Waxaa magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay maanta gaaray wafdi ballaaran oo ay hoggaaminayaan saraakiisha ugu sarreysa Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliya, kuwaas oo hordhac u ah socdaal saacadaha soo socda uu halkaas ku tagi doono Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka, Xasan Shiikh Maxamuud.
Wafdigan oo loogu soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha ee Shaati Gaduud, waxaa qayb ka ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, S/Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida, Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute, iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi
Saraakiishan ayaa lagu wadaa inay kulamo la qaataan cutubyo ka tirsan ciidanka dowladda oo dhawaan la wareegay Amniga magaalada Baydhabo.
Safarka madaxda amniga iyo kan la filayo inuu ku tago Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku soo beegmaya xilli dhawaan Dowladda Federaalka ay la wareegtay Amniga deegaannada Koofur Galbeed, iyadoo uu xilka ka tagey Madaxweynihii Maamulkaasi Cabdicasiis Laftagareeen.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Shiikha ayaa la filayaa inuu daahfuro kulamo dib u heshiisiin loo sameyn doono bulshada ku dhaqan deegaannada Maamulka Koofur Galbeed.

