Saturday, April 4, 2026
HomeWararDibaddaWafdi ka socday WFP oo kormeeray Isbitaalka guud ee degmada iyo qaar...

Wafdi ka socday WFP oo kormeeray Isbitaalka guud ee degmada iyo qaar ka mid ah kaamamka barakacayaasha.

Wafdi ka socday hay’adda cuntada aduunka ee WFP oo ay hogaamineysay Marwo Nicolie oo ah madaxa nafaqada WFP ee Soomaaliya ayaa kormeeray isbitaalka guud ee degmada cadaado , sidoo kalana u kuur galay xaaladaha nololeed ee barakacayaasha ku jira qaar ka mid ah kaamamka ku yaala degmada.

Ugu horeyn wafdiga ayaa kulan kula qaatay Isbitaalka guud ee degmada Cadaado Maamulka isbitaalka, Maamulka degmada iyo masuuliyiin ka tirsan wasaaradda Caafimaadka galmudug.

Dhinacyada ayaa iska xog wareystay baahiyaha caafimaad ee degmada ka jira waxaana agaasimaha isbitaalka Cadaado General Hospital oo ka qeyb galay kulanka uu WFP u gudbiyay warbixin ku aadan xaaladaha ay ku shaqeeyaan iyo daruufaha ka jira Isbitaalka.

Kulanka kadib wafdiga ayaa kormeer guud ku sameeyay qeybaha isbitaalka waxaana si hoose ay ugu kuur galeen habka ay u shaqeeyaan qeybaha daweynta caruurta iyo TP.

Sidoo kale wafdiga ayaa kormeeray weybta nafaqada degmada oo ay gacanta ku hayso hay’adda cuntada aduunka ee WFP.

Ugu danbeyn Wadfiga ka socday WFP ayaa kormeer ku tagay kaamka Xarardheere ee ku yaala duleedka magaalada oo ay ku jiraan barakacayaal naftooda kala soo cararay kooxda AS badankoodna ka soo barakacay degmada xarardheere ee deegaanada ku xeeraan kuwaas oo hadda xaalado nololeed oo adag ku wajahaya kaamkaan.

Madaxa nafaqada WFP Ms Nicolie ayaa sheegtay in ay gudbin doonto warbixinta barakacayaashaan iyo baahiyaha kale ee ay arkeen inta ay ku jireen kormeerkooda hay’aduna ay kala shaqeyn doonto maamulka degmada wax ka qabashada baahiya bini’aadinimo ee jira.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe