Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta gaaray magaalada Baydhaba ee xarunta gobolka Baay, iyagoo halkaas u tagay kormeer amni iyo howlo shaqo oo muhiim ah.
Wafdigan oo si diirran loogu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Baydhaba, ayaa waxaa halkaas ku qaabilay Wasiirka Amniga ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Xasan Cabduqaadir Maxamed, oo ay weheliyaan saraakiil sare oo ka tirsan hay’adaha kala duwan ee amniga iyo maamulka gobolka, iyo sidoo kale Guddoomiyaha Degmada Baydhaba.
Ujeedada safarkan ayaa la xiriirta dardar-gelinta howlaha amniga ee ka socda gobolka Baay, qiimeynta xaaladda guud ee ammaanka, iyo kor u qaadidda wada shaqeynta u dhexeysa dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada, si loo xaqiijiyo xasillooni waarta iyo ka hortagga khataraha amni.
Wafdiga uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Gudaha waxaa qeyb ka ah masuuliyiin sare oo ka tirsan dowladda federaalka, kuwaas oo ay kamid yihiin:
- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Isaaq Maxamuud Mursal
- Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Qorsheynta, Mudane Maxamed Aadan Maxamed
Wasiirka Amniga Gudaha ayaa la filayaa inuu kulammo muhiim ah la yeesho mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed, gaar ahaan kuwa amniga, si looga wada hadlo xoojinta dadaallada lagu xaqiijinayo amniga deegaanka, gaar ahaan la dagaallanka argagixisada Al-Shabaab oo weli khatar ku ah gobollada dhexe iyo koonfureed ee dalka.
Sidoo kale, Wasiir Fartaag ayaa lagu wadaa inuu kormeero saldhigyada ciidanka ammaanka, xarumaha dowladda, iyo goobaha ay ciidamada dowladda iyo kuwa Koonfur Galbeed ka fuliyeen howlgallada amniga lagu xaqiijinayo.
Socdaalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda federaalka Soomaaliya ugu jirto horumarinta amniga guud ee dalka, iyadoo la marayo iskaashi iyo wadatashi qaran.

