Dowladda Mareykanka iyo Iiraan ayaa ku guuldarreystay inay gaadh aan heshiis nabadeed kadib wadahadallo muddo dheer socday oo ka dhacay caasimadda dalka Pakistan ee Islamabad, sida ay sheegeen masuuliyiinta labada dhinac.
Madaxweyne ku xigeenka Mareykanka, JD Vance, oo hoggaaminayay wafdiga Mareykanka, ayaa sheegay in Iiraan ay diiday inay aqbasho shuruudihii Washington kadib 21 saacadood oo wadahadal ah. Wuxuu xusay in Mareykanku u baahan yahay dammaanad cad oo muujinaysa in Iiraan ayna doonayn inay horumariso hub nukliyeer ah ama awood u siin karta inay si dhakhso ah u hesho hub noocaas ah.
Dhanka kale, wasaaradda arrimaha dibadda Iiraan ayaa sheegtay in ayna jirin wax rajo ah oo laga qabay in hal kulan lagu gaadho heshiis buuxa. Afhayeenka wasaaradda ayaa tilmaamay in wadahadalladu ay ahaayeen bilow, isla markaana ay sii socon doonaan xidhiidhada diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Iiraan, Pakistan iyo dalalka kale ee gobolka.
Dowladda Pakistan, oo door dhexdhexaadin ah ka qaadatay kulamadan, ayaa ugu baaqday labada dhinac inay ilaaliyaan xabbad-joojinta jirta, ayna sii wadaan dadaallada lagu gaadhi karo nabad waarta. Wasiirka arrimaha dibadda Pakistan, Ishaq Dar, ayaa muujiyay rajo ah in wadaxaajoodyadu ay ku socdaan jawi wanaagsan si loo gaadho xasillooni iyo barwaaqo gobolka oo dhan.
Dagaalka u dhexeeya Mareykanka, Israa’iil iyo Iiraan oo billowday dabayaaqadii Febraayo ayaa sababay khasaare naf iyo maalba leh, iyadoo in ka badan 2,000 oo qof ay ku dhinteen, isla markaana uu saameyn ku yeeshay suuqyada tamarta caalamka, kadib markii Iiraan ay xaddiday isku socodka marinka Hormuz oo muhiim u ah dhoofinta shidaalka iyo gaaska.
Wadahadalladan ayaa lagu tilmaamay kuwii ugu sarreeyay ee dhex mara Mareykanka iyo Iiraan tan iyo kacaankii Islaamiga ahaa ee 1979, hase yeeshee farqiga weyn ee u dhexeeya labada dhinac ayaa weli caqabad ku ah in la gaadho heshiis rasmi ah.

