Sunday, October 26, 2025
HomeWararGudahaWaa maxay Talaabada uu qaaday Madaxweynaha jabuuti ee halista galineysa Dalkaasi jabuuti

Waa maxay Talaabada uu qaaday Madaxweynaha jabuuti ee halista galineysa Dalkaasi jabuuti

Madaxweyana jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa maanta qaaday Talaabo halis gelinkarta mustaqbalka Dalka Jabuuti ,iyadoona maanta Barlamaanka jabuuti ay wax ka badal ku sameeyeen qodob ka mid ah qodobada Dastuurka ee dalkaasi jabuuti, qodobka tilmaamaya da,da qofka Dalkaasi jabuuti madaxda ka noqonakara ama xilka madaxtinimada Dalkaas qofka qaban kara ayaa isbadal lagu sameeyay,iyadoona Dastuurka dalka jabuuti ay horay ugu dhigneet in qofka markii uu dhaafo da,da 75 sano jirka in uu san dalkaasi jabuuti madaxweyne ka noqonkrain.

Madaxweynaha dalkakaasi jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo haatan Doonaya in uu Tartamo Doorashada soocota ee lafilayo in dalkaasi ay ka dhacdo 2026 bisha Abril aya isbadal ku sameeyay Dastuurka dalkaasi Maadama haatan da,diisu ay Tahay in ka Badan 77 Sano.

Ismaaciil Cumar Geelle Madaxweynaha dalkakaasi jabuuti oo isbadal ku sameeyay ayaa fursad waxaa u helaya in uu markale u Tartamo madaxtimada dalkaasi jabuuti,iyadoo markii 6-AAD uu donayo in dalkaasi uu hogaamiyo sida uu qorsheeynayo Ismaaciil Cumar Geelle .

Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle oo Dalka jabuuti soo maamuliyay tan iyo 1999 kii ayaa Talaabada uu maanta uu qaaday aad loo hadalhaya,iyadoo mucaaradka dalka jabuuti Talaabadani ay ka falceliyeen.

Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa talaabadani i uu maanta qaaday waxay halis Gelinkarta mustaqbalka dalkaasi,iyadoona ilaa shan mar uu u Tartamay madaxtinimada Dalkaasi isla markaa uu ku guuleystay,iyadoona mucaaradka Dalka jabuuti ay doonayeen in ay fursad ka helaan Doorashada lagu Balansanyahay in ay dhacdo sanadka 2026, ayaa Talabadani waxay ku noqotay nabar.

Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horay waxaa uu wax ka badal ugu sameeyay Dastuurka Dalkaasi iyadoona qodob ka mid ah qodobadii Dastuurka Dalkaasi wax ka badal ku sameeyay kaas oo ahaa in labo mar ka badan uu san madaxweyne noqon karin Dalkaasi jabuuti.

Ismaaciil Cumar Geelle oo lagu xanto in uu ka mid yahay kaligiitalisyada Africa, isla markaana wax ka badan 25 sano uu Dalkaasi maamulayay ayaa haatan markale waxay raje u jirtaa in uu noqdo madaxweynaha Dalkaasi jabuuti.

Warbaahinta kala duwan ee caalamka ayaa wax ka qortay wax ka Badalka lagu sameeyay manta Dastuurka Dalkaasi jabuuti. iyadoonada madaxweynaha jabuuti lagu eedeeyay i uu yahay kaligii Taliye isla markana xukunka Dalka jabuuti uu mudo dheer iska heysto.

Wax ka Badalka lagu sameeyay Dastuurka Dalka jabuuti ayaa waxaa uu ku soo adayaa,iyadoo wafdi culus oo ka socdda Dowlada soomaaliya lagu wado in maalinka Biri ah Tagaan magaalada carta Dalkaasi jabuuti si halkaasi ugu qeyb Galaan, shan iyo labaatan sano ka dib munaasabad Dowlada jabuuti loogu mahacelinayo DhisiTaanka Jamuuriyadii sedexaad ee soomaaliya kaalinta ay ku laheed Dowlada jabuuti.

Madaxweynaha dalka jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo madaxfarabadan oo africaan ah ku dayda oo ay ka midyihiin Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni iyo Madaxweynaha dalka Eritrea, Isaias Afwerki ma ku guuleysan doonaa damaciisa si mustaqbalka Dalka jabuuti Talaabadani dhaawac ma u geysan doontaa,yadoona la hadal haayo in maalmaha soosocdo Banaan baxyo xogan ay ka dhici doonaan Dalka jabuuti kuuwaas oo lagu jorjeedo Talaabada uu qaaday madaxweynaha Dalkaasi jabuuti.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe