Thursday, October 2, 2025
HomeUncategorizedUK oo $30 Milyan ku tageertay horumarinta Isbeddelka Amniga Soomaaliya

UK oo $30 Milyan ku tageertay horumarinta Isbeddelka Amniga Soomaaliya

UK ayaa ku dhawaaqday in ay bixineyso in ka badan $30 milyan oo taageero dhaqaale ah si loogu fududeeyo isbeddelka amniga Soomaaliya. Lacagtan waxaa ka mid ah $8 milyan (£6 milyan) oo la siinayo Xafiiska Taageerada Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOS) iyo $22 milyan (£16.5 milyan) oo loo qoondeeyay Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).

Go’aankan ayaa la sheegay inuu ka tarjumayo doorka joogtada ah ee UK ku leedahay sidii ay u ahaan lahayd saaxiib lagu kalsoonaan karo oo Soomaaliya iyo gobolka oo dhan ah, iyadoo si dhow ula shaqeynaysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, iyo dalalka ciidanka iyo booliska ku deeqay.

$8 milyan oo kamid ah taageeradan ayaa xaqiijin doonta in Ciidanka Amniga Soomaaliya ay sii helaan taageerada aan dagaalka ahayn sida raashinka, teendhooyinka, qalabka caafimaadka, iyo adeegyada daadgureynta dhaawacyada (casevac). Taageeradan sahayda ah waxay door muhiim ah ka qaadan doontaa in ciidanka Soomaaliya ay awoodaan hawlgallo wadajira oo ay la galaan AUSSOM.

UNSOS ayaa haatan taageerta 18,900 askari iyo saraakiil boolis Soomaaliyeed ah oo ka howlgala guud ahaan dalka. Tabarucaaddan cusub ayaa wadarta taageerada UK ee UNSOS ka dhigaysa in ka badan $58 milyan (£46 milyan) tan iyo 2021.

UK, Dowladda Federaalka Soomaaliya, Midowga Afrika, iyo Qaramada Midoobay ayaa si wadajir ah u qabtay shir loogu deeqayo AUSSOM oo lagu qabtay hareeraha Shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay. Shirkan waxaa ka qeyb galay dalal badan, taas oo muujineysa sida ay beesha caalamku muhiimad u siiso amniga iyo xasilloonida Soomaaliya.

Tan iyo 2021, UK waxay ku bixisay ku dhawaad $140 milyan (£102.5 milyan) AUSSOM iyo howlgalladii ka horreeyay, taas oo caddeyneysa sida ay uga go’an tahay taageeridda dadaallada wadajirka ah ee amniga Soomaaliya ee muddada fog.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe