Dowladda Uganda ayaa maalmaha soo socda ciidamo cusub u soo diraysa gudaha Soomaaliya, si ay qeyb uga noqdaan howlgalka nabad ilaalinta Soomaaliya (AUSSOM).
Ku-xigeenka Taliyaha Ciidanka Dhulka Uganda, Jeneraal Sare Francis Takirwa, ayaa la hadlay guuto cusub oo askar Ugandha u dhalatay ah oo dhawaan loo diri doono Soomaaliya, si ay uga mid noqdaan Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM).
Intii uu socday kulan wacyigelin ah oo loogu diyaarinayay ciidanka, ayaa Gen. Takirwa wuxuu ugu baaqay askarta in ay ilaaliyaan mabda’a midnimada Afrika, edebta, iyo waddaniyadda inta ay ku jiraan howlgalka nabad ilaalineed ee Soomaaliya.
“Waa in aad mar walba kor u qaadaan midnimada iyo akhlaaqda bulshooyinka Afrika, idinkoo diiradda saaraya waddaniyadda iyo difaaca danaha dalkiinna,” ayuu yiri Jeneraal Sare Francis Takirwa.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dirista ciidankan ay qayb ka tahay dadaalka lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya, iyo in laga hortago weerarrada argagixisada ee ay fuliyaan dagaalyahanada Al-Shabaab.
Uganda ayaa weli ah dalka ugu badan ee ciidamo ku biiriya AUSSOM, waxaana ciidankeedu inta badan ka howlgalaan koonfurta Soomaaliya, halkaas oo ay door muhiim ah ka ciyaaraan nabad ilaalinta, xasillinta iyo la dagaallanka argagixisada.

