Monday, May 11, 2026
HomeWararUrurka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay

Ururka Ikhwaanul Muslimiin ee Masar oo laba garab u kala jabay

Waxaa sii xoogaysanaya xiisadda ka dhex aloosantay sanadihii ugu dambeeyay kooxo ka wada tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ku kala sugan Istanbul iyo London, waxaana khilaafkoodu uu salka  ku hayaa qaab dhismeedka hoggaanka Ururka.

Wixii ka dambeyay markii ciidamada Masar ay la wareegeen awoodda Masar  sanadkii 2013, dhibaatooyinkii lagala kulmay hoggaanka ururka ayaa horseeday inay soo baxaan laba garab oo kala duwan, oo Turkiga iyo Ingiriiska ku kala sugan.Kadib markii mid ka mid ah madaxda ururka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Muniir uu ku geeriyooday magaalada London ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay loolanka ka dhaxeeya labada garab.

Arrintaan ayaa calaamad u ah in ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta siyaasadeed ee ugu weyn adduunka, uu kala jabay.

Ururka Ikhwaanul Muslimiin waa urur leh taariikh 94 sano ah. Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxaa la aasaasay sanadkii 1928-kii waxaana aasaasay macalinkii dugsiga hoose ee Xasan al-Bannah. Sanadihii la soo dhaafay ururku wuxuu awood weyn ku yeeshay Masar iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe