Thursday, October 2, 2025
HomeWararGudahaTurkiga oo sheegay inuu helay mid kamid ah Maraakiibta awoodda u leh...

Turkiga oo sheegay inuu helay mid kamid ah Maraakiibta awoodda u leh qodista Shidaalka

Dowladda Turkiga ayaa ku dhawaaqday in ay heshay maraakiib casri ah oo awood u leh qodida shidaalka iyo saliida ku jirta badda hoosteeda, sida uu sheegay Wasiirka Tamarta iyo Khayraadka Dabiiciga ah, Alparslan Bayraktar.

Wasiirka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Maraakiibta oo gaaraya labo mid kamid ah uu soo gaarey xeebaha degmada Taşucu ee gobolka Mersin.

Markabkani ayuu Turkiga iibsaday bishii Luulyo, taas oo tirada guud ee maraakiibta qodista Turkiga ka dhigi doonta lix, iyadoo dalku noqon doono kan afraad ee adduunka ee leh awoodda ugu weyn ee qodista badda qoto dheer.

Maraakiibtan cusub oo midkiiba dhererkiisu yahay 228 mitir iyo ballaciisu yahay 42 mitir ayaa leh awood ay ku qodaan illaa 12,000 mitir.

Waxay sidoo kale ku qalabaysan yihiin goob diyaaradaha qumaatiga u kaca ay ku dagaan iyo guryo shaqaale oo loogu talagalay 200 qof.

Waxaa lagu dhisay Koonfur Kuuriya sanadkii hore waxaana loo aqoonsaday inay yihiin markab qarniga toddobaad ee awoodda sare leh.

Maraakiibtan cusub ayaa kaabaya afar markab oo hore oo Turkiga leeyahay: Fatih, Yavuz, Kanuni, Abdülhamid Han, iyo Orus Reis kuwaas oo haatan ka howlgalaya ceelka gaaska Sakarya ee Badda Madow.

Ceelkan ayaa lagu qiyaasay inuu ka kooban yahay 710 bilyan mitir kuyuub oo gaas ah, taas oo dabooli doonta ku dhawaad 30% baahida gaaska sanadlaha ah ee dalka marka uu gaaro awood buuxda.

Dhanka kale, markabka seismic ee Oruç Reis, oo ah midka baarista dhulka hoostiisa badda, ayaa dhowaan soo dhammeeyay howshiisii ugu horreysay ee caalami ah oo uu ka qabtay Soomaaliya.

Markabkani wuxuu Soomaaliya ka helay xog seismic oo muujinaysa meelaha laga heli karo batrool iyo gaas.

Xogtaas ayaa loo arkaa mid soo jiidaneysa shirkadaha caalamiga ah ee maalgashiga tamarta iyo soo saaritsa Shidaalka Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe