Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in wadahadallada u dhaxeeya dalalka Ruushka iyo Ukraine ay meel fiican marayaan, isla markaasna rejo laga qabo in lagu guulleysto.
Wuxuu sheegay in Turkigu diyaar u yahay inuu mar walba la fariisto Ruushka si loo helo xabbad-joojin degdeg ah iyo nabad waarta.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelensky oo Ankara kula kulmay Erdogan ayaa dhankiisa sheegay inuu kalsooni ku qabo dhexdhexaadinta Turkiga.
Wuxuu sidoo kale rajo ka muujiyay in dib loo bilaabo is-weydaarsiga maxaabiista kahor dhammaadka sanadkan, isagoo sheegay in Turkigu arrintaas si weyn uga caawinayo.
Labada hoggaamiye ayaa yeeshay kulan ballaaran oo ay goobjoog ka ahaayeen mas’uuliyiin sare, halka wadahadallo toos ah oo u dhexeeya Wakiilada Ukraine iyo Ruushka ay Istanbul ka qabsoomeen bisbii July.

