Friday, August 28, 2026
HomeWararGudahaTookiyada Yaaqshiid: Yaa Burburinta Amray?

Tookiyada Yaaqshiid: Yaa Burburinta Amray?

Xaafadda Tookiyada ee degmada Yaaqshiid ayaa maalmihii lasoo dhaafay noqotay meel si weyn looga hadal hayo, kadib burburin iyo barakac saameeyay qoysas muddo dheer ku noolaa .

Wararka kasoo baxaya xaafadda ayaa tilmaamaya in muranka ugu weyn uu yahay dhulka, cidda leh iyo qorshaha dib-u-habaynta waddooyinka iyo dhismayaasha ka socda deegaanka.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in guryihii iyo goobihii ganacsi ee ay muddo ku noolaayeen ay wajahayaan burburin, halka qaar kamid ah qoysaskii deegaanka ay hadda ku jiraan xaalad barakac iyo hubanti la’aan ah.

Xog la helay ayaa si gaar ah su’aal uga keenaysa hadal muddooyinkii dambe lagu faafinayay bulshada dhexdeeda, kaas oo ahaa in burburinta Tookiyada ay ahayd amar toos ah oo kasoo baxay Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddii aysan jirin Noolo-Osto ama amar rasmi ah oo kasoo baxay, Xasan Sheekh Maxamuud.waxay dhalinaysaa su’aal kale oo ka weyn:Haddaba yaa bixiyay amarka burburinta, maxaase ahaa saldhigga sharci ee loo maray?

Xog ayaa tilmaamaysa in koox ganacsato ah oo ay kamid yihiin Muxudiin Saawey iyo Ismaaciil Wardheere loo igmaday ama ay qayb ka ahaayeen hawsha waddo-nidaaminta deegaanka.

Ujeeddada markii hore waxay ahayd in waddooyin laga furo Tookiyada, dhulka la cabbiro, lana nidaamiyo jidadka, iyadoo sidoo kale la sheegay in dadka aan ku jirin waddooyinka la qorsheeyay aan laga qaadin lacago xad-dhaaf ah.

Waxaa kale oo la sheegay in dadka haysta dukumiintiyo, sabarlogooyin iyo waraaqaha canshuuraha aan lagu qasbin inay ka guuraan guryahooda haddii aysan ku jirin waddooyinka la qorsheeyay.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa hadda wajahaya barakac, guri la’aan iyo xaalad dhaqaale oo aad u adag.

Wararka deegaanka ayaa sidoo kale sheegaya in dadka qaar ay cabsi iyo walaac weyn ka qabaan halka ay ku dambeyn doonaan guryihii ay sanado badan ku noolaayeen.

Mucaaradka dowladda ayaa iyaguna si weyn uga hadlay dhacdooyinka Tookiyada, iyagoo dowladda ku eedeeyay inay ciidamada amniga u adeegsatay burburinta iyo raritaanka shacabka.

Qodobka ugu xasaasisan ee xogta la helay waa sheegashada ah in qaar kamid ah dadka deegaanka rasaas lagu furay xilli ay ka hor imaanayeen burburinta.

Waxaa la sheegay in dad ay ku dhinteen, kuwo kalena ku dhaawacmeen, halka qoysas kale ay ku qasbanaadeen inay guryahooda ka cararaan.

Mucaaradka Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegay in hawlgallada Tookiyada lagu adeegsaday ciidamo iyo hub, iyagoo tacsi u diray dadka ay sheegeen inay ku dhinteen dhacdooyinka.

Xogta la helay waxay sidoo kale xuseysaa lacag dhan $18,000 oo la sheegay in laga doonayo qof kasta oo leh boos ama dhul si uu u sii haysto goobtiisa.

Qaar kamid ah dadka deegaanka ayaa lagu soo waramayaa inay lacag bixiyeen, halka kuwa aan awoodin lacagtaas lagu cadaadinayo inay ka tagaan goobahooda.

 

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe