Saturday, April 4, 2026
HomeWararDibaddaTaliyihii Ururka 2aad ee guutada Cumar Binu khadaab oo ku dhintay dagaal...

Taliyihii Ururka 2aad ee guutada Cumar Binu khadaab oo ku dhintay dagaal ka dhacay duleedka Masaajid Cali Guduud

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo geystay khasaare badan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo Xalay ku dhexmaray deegaanka Masaajid Cali Gaduud ee gobolka Shabeellaha Dhexe ciidamo ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa la sheegay inuu bilaawday kadib markii ay kala shakiyeen laba ciidan oo ka wada tirsan Militariga Soomaaliya oo isaga horyimid wadada, kuwaas oo labada dhinacba midba midka kale u qaateen iney yihiim ciidamo ka tirsan AS, sida ay warbaahinta u sheegeen ilo ku sugan deegaanka Masaajid Cali Gaduud.

Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in dagaalka dhexmaray ciidanka ka wada tirsan dowladda Fedaraalka uu socday ku dhawaad hal saac oo xiriir ah, islamarkaana ay labada dhinac isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ayaa lasoo warinaya iney ku dhinteen in ka badan 10 askari oo ay ku jiraan saraakiil islamarkaana ay ku dhaawacmeen tiro intaas ka badan, waxaana Saraakiisha la xaqiijiyay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ka mid ah Kabtan Maxamed Axmed Abshir oo kamid ahaa saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya, kaasoo hoggaaminaayay garab ka mid ah ciidamada kala shakiga ku dagaalamay.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in saakay xaaladu ay tahay mid degan, waxaana meesha lagu dagaalamay gaaray masuuliyiin iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada dowladda, hayeeshee majirto wax war ah oo ay kasoo saareen Saraakiisha dowladda dagaalkaan dhexnaray ciidanka dowladda.

Deegaanka Masaajid  Cali Gaduud ayaa ka mid ah deegaanadii ugu dambeeyay ee laga saaray kooxda AS oo mudo dheer ka talin jirtay deegaankaas oo muhiim u ah isku socod gobolada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe