Sunday, February 1, 2026
HomeWararGudahaSoomaaliya oo maanta wareejinaysa xilka madaxweynaha golaha amnaanka ee Qaramada Midoobay

Soomaaliya oo maanta wareejinaysa xilka madaxweynaha golaha amnaanka ee Qaramada Midoobay

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u soo gabagabeysay muddadii ay hayay hoggaaminta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC) ee bisha Janaayo, kaddib markii ay si wareeg ah u noqotay Madaxweynaha Golaha.

Intii lagu jiray muddadaas, Soomaaliya ayaa hoggaamisay kulammo muhiim ah oo diiradda lagu saaray arrimaha nabadda, amniga caalamka iyo xoojinta iskaashiga u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka. Mas’uuliyiinta Ergada Joogtada ah ee Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay ayaa uga mahadceliyay dhammaan xubnaha Golaha wada-shaqeyntii iyo taageeradii ay muujiyeen intii uu socday xilka guddoonka.

Maanta, Soomaaliya waxay si rasmi ah xilka Madaxweynaha Golaha Ammaanka ugu wareejinaysaa Dowladda Maraykanka, oo bisha xigta hoggaamin doonta shaqada Golaha. Dowladda Soomaaliya ayaa Maraykanka u rajeysay guul iyo hoggaan miro-dhal ah, iyadoo xaqiijisay in xubinnimada Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ay sii socon doonto, kuna dhisan ballan-qaad adag oo ku saleysan mabaadi’da Axdiga Qaramada Midoobay.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale adkaysay sida ay uga go’an tahay ka shaqeynta nabadda, xasilloonida iyo iskaashiga caalamiga ah, iyada oo doorkeeda Golaha Ammaanka u aragta mas’uuliyad iyo fursad ay ku metesho danaha nabadda iyo amniga dunida.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe