Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka gashay dalalka ugu badan ee muwaadiniintooda u safraan dalka Hindiya, sida lagu sheegay warbixin cusub oo kasoo baxday Wasaaradda Dalxiiska ee waddanka Hindiya.
Warbixinta ayaa tilmaamaysa in safarrada ay dadka Soomaaliyeed u tageen Hindiya ay kordheen 144% marka la barbar dhigo sanadkii 2019, taasoo ka dhigaysa Soomaaliya dalkii ugu horreeyay ee kororka saddex-lambar ah (triple-digit growth) sameeya muddadaas.
Tirakoobyadan waxay muujinayaan in tirada Soomaalida u safartay Hindiya ay ka kordheen 5,044 qof sanadkii 2019 una sare martay 12,320 qof sanadkii 2024. Inkasta oo tiradu ay yara hoos u dhacday marka la eego 16,607 qof oo tagay Hindiya sanadkii 2023, haddana Soomaaliya ayaa weli haysata heerka dadka ugu badan ee u safra India.
Dalal kale sida Cambodia, Kazakhstan iyo Vietnam ayaa iyaguna koror kala duwan sameeyay, balse midkoodna ma gaarin heerka ay Soomaaliya ka gaartay. Cambodia ayaa diiwaangelisay 81% koror, Kazakhstan 72%, halka Vietnam ay gaartay 61%.
Soomaaliya ayaa sidaas ku noqotay tusaale cusub oo muujinaya isbeddel ku yimid jihada safarrada caalamiga ah ee u socda Hindiya, iyadoo la ogsoon yahay in sanad walba kumanaan dad ah ay dalka India u aadaan safaro caafimaad, maaddaama Soomaaliya aysan lahayd isbitaalo caalami ah oo lagula tacaalo cudurada uu kamidka yahay Kansarka oo aad ugu soo badanaya gudaha Soomaaliya.

