Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho kulan heer sare ah kula yeelatay wafdi ka socday Hay’adda Socdaalka ee Finland oo uu hoggaaminayay Agaasimaha Guud ee hay’addaas.
Kulankan oo socday muddo saddex maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee ku aaddan maamulka xuduudaha, nidaaminta socdaalka, iyo iskaashiga dhinaca la-dagaallanka dambiyada abaabulan.
Labada dhinac ayaa sidoo kale ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa dadaallada lagu yaraynayo socdaalka sharci-darrada ah iyo in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya hay’adaha amniga iyo kuwa socdaalka ee labada dal.
Kulankan ayaa ku soo aadaya xilli qaxooti Soomaali ah ay ku sugan yihiin dalka Finland oo kamid ah dalalka Yurub ee loo tahriibo.

