Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka ee Aljeeriya ayaa ku heshiiyey inay xoojiyaan iskaashiga soo jireenka ah ee dhanka amniga, iyadoo si gaar ah diiradda loo saarayo kor u qaadista tayada booliska iyo farsamooyinka casriga ah ee baaritaannada.
Heshiiska ayaa daba socday kulan magaalada Algiers ku dhex maray Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Aljeeriya Mudane Yuusuf Axmed Xasan (Yuusuf Jeego) iyo Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska dalka Aljeeriya Cali Badaoui, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Intii lagu guda jiray wada-hadallada, labada dhinac waxay dib u xaqiijiyeen inay ka go’an tahay sii xoojinta wada-shaqeynta qoto-dheer ee horumarinta booliiska, tababarrada gaarka ah, iyo dhisidda awoodda, taasoo qayb ka ah dadaallada socda ee lagu xoojinayo hay’adaha fulinta sharciga ee labada waddan.”, sida lagu sheegay hadal kooban oo ay soo saartay warbaahinta dowladda.
Waxa kale oo ay sahmiyeen fursadaha iskaashiga sayniska iyo farsamada ee baadhista dembiyada, oo ay ku jiraan sawirka faraha iyo falanqaynta DNA-ga, iyo sidoo kale maaraynta goobta dembiyada – meelaha muhiimka u ah booliiska casriga ah iyo la dagaallanka dembiyada caalamiga ah.
Danjire Yuusuf Jeego ayaa Aljeeriya ku ammaanay taageerada joogtada ah ee ay siiyeen laamaha ammaanka Soomaaliya sanadihii lasoo dhaafay, wuxuuna rajo wanaagsan ka muujiyay in iskaashiga dib loo cusbooneysiiyay uu gacan ka geysan doono horumarinta heerarka booliska Soomaaliya iyo awoodaha lagu ogaanayo dambiyada.
Dhankiisa, Taliye Badaoui ayaa soo dhaweeyay dadaalka Soomaaliya ay ugu jirto dib u dhiska hay’adaha qaranka, waxa uuna ballan qaaday in Algeria ay diyaar u tahay in ay bixiso khibrad farsamo, tababar is dhaafsi, iyo taageero hay’ad iyada oo loo sii marinayo Akadeemiyada Booliska Qaranka Algeria.