Thursday, November 20, 2025
HomeWararGudahaSomaliland oo diyaaradaha ku amartay in rakaabka Hargeysa u socda iyo kuwa...

Somaliland oo diyaaradaha ku amartay in rakaabka Hargeysa u socda iyo kuwa ka dhoofaya aan lagu hakin Muqdisho

Xukuumadda Somaliland ayaa diyaaradaha ku amartay in dadka ka dhoofaya Hargeysa ee meel saddexaad u socda, iyo kuwa meel saddexaad kasoo dhoofay ee u socda Hargeysa, aan lagu hakin magaalada Muqdisho.

Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Duulista iyo Horumarinta Madaarrada ayaa lagu sheegay in tallaabadan loo qaaday sababo amni awgeed, isla markaana muwaadiniinta Somaliland ee safarka ah aysan amni ahaan u fiicnayn in ay ku hakadaan magaalada Muqdisho.

“Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarradda JSL, iyada oo gudanaysa waajibaadka ka saaran ilaalinta amniga muwaadiniinta Somaliland ee safarka ah, si waafaqsan Lifaaqa 17aad ee Sharciga Caalamiga ah ee ICAO ee amniga iyo badqabka, waxay go’aamisay in laga bilaabo 1 December, 2025 rakaabka ka dhoofaya Hargeysa ee u socda meel saddexaad iyo rakaabka ka soo dhoofaya meel saddexaad ee ku soo socda Hargeysa (transit to/from Mogadishu), aan la soo marin karin ama la sii marin karin magaalada Muqdisho sababo amniga rakaabka ah awgeed.”

Wasaaradda ayaa sheegtay in dhammaan shirkadaha diyaaradaha la farayo inay ka saaraan hannaan-kooda tikidhada duulimaadyada sare ku sheegan oo sababaya in rakaabku ku hakadaan magaalada Muqdisho.

“Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarradda waxa ka go’an ilaalinta shuruucda caalamiga ah iyo kuwa qaranka ee amniga/badqabka iyo duulimaadyada,” ayaa lagu yidhi qoraalka.

Tallaabadan ayaa imanaysa kadib muddo uu is-maandhaaf la xidhiidha maamulka hawadu uu ka dhexeeyay dowladda Soomaaliya iyo Somaliland, kadib markii dowladda federaalka Soomaaliya ay hirgelisay nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee ku qasbaya dadka Hargeysa u socda inay dal-ku-galka ka dalbadaan dowladda Soomaaliya.

Somaliland ayaa sidoo kale dhawaan go’aamisay in diyaaradaha dulmaraya hawadeeda ay ka amar qaataan garoonka Cigaal ee Hargeysa, iyadoo sheegtay in kala ku dhawaad badh diyaaraduhu ay aqbaleen amarka, halka qaybta kalena ay ka leexdeen hawada Somaliland.

Diyaaradaha ka hawlgala garoomada Somaliland ayaa toddobaadkan joojiyay in dadka Hargeysa u socda la waydiiyo dal-ku-galka Soomaaliya, kadib markii la jabsaday nidaamka dal-ku-galka danabaysan ee dowladda federaalka, iyadoo dad lagu qiyaasay 35,000 oo qof xogtoodu ay baxday. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay baadhitaan ku hayso sababta jabsashada.

Inkasta oo Somaliland ay sheegtay in diyaaraduhu ay u hoggaansameen nidaamka dal-ku-galkeeda, haddana waxa soo baxaya warar sheegaya in diyaaradda FlyDubai ay mar kale dadka Hargeysa iyo Berbera u socda waydiinayso dal-ku-galka dowladda federaalka, inkasta oo jiritaanka warkan aan si madaxbannaan loo xaqiijin karin.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe