Tuesday, November 28, 2023
HomeWararSaraakiil Itoobiyan ah oo xaliyay khilaafkii Guddoomiyaha G/Gedo & Taliyaha NISA

Saraakiil Itoobiyan ah oo xaliyay khilaafkii Guddoomiyaha G/Gedo & Taliyaha NISA

Kadib wadahadallo ka dhacay degmada Dooloow ee Gobolka Gedo ayaa waxaa lagu heshiisiiyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Taliyaha Nabadsugida Gobolkaas Bakaal Kooke.

Khilaafka oo salka ku haayay lacagaha canshuuraha ah ee laga qaado degmada Dooloow iyo degaannada kale, waxaana labada mas’uul soo farageliyay oo khilaafkooda xalìyay Saraakiil katirsan Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Dooloow ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed ayaa sheegay in la dhameeyay khilaafkii uu dhaxeeyay isaga iyo Taliyaha Nabadsugida Gobolka Bakaal Kooke, isla markaana Shaqadii Maamulka ay si caadi ah u socdaan.

Guddoomiyaha oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in hadafkooda uu yahay in la helo Maamul Jubbaland oo xor ah iyo inay meesha ka saaraan Madaxda Maamulka Jubbaland ee ku sugan Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Maalmihii la soo dhaafay ayaa aad loo hadal haayay khilaafka u dhaxeeyay Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buulle Gareed & Taliyaha Nabadsugida Gobolkaas Bakaal Kooke, hayeeshee ugu dambeyn xal laga gaaray.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe