Sanadkaan oo kaliya 142 kun oo Soomaali ah ayaa la barakaciyay oo laga dhigay kuwa guri la’aan ah oo aan haysan meel ay kusoo hoydaan, 81 boqolkiiba, waxa ay ku barakaceen Muqdisho, gaar ahaan, degmooyinka Hodan, Yaaqshiid, Wadajir Boondheere & Dayniile.
Dadkaan dowladda ayaa ka saartay guryahii ay ku noolaayeen, haddana waxay wajahayaan nolol adag, sida lagu shaaciyay warbixin ay qortay Qaramada Midoobe, gaar ahaan OCHA.
Madaxweyne Xasan Sheekh 142-daan kun uu barakiciyay, waxa uu rabaa in ay qeyb ka noqdaan doorasho qof & cod ah, si dimoqoraaddi ahna u dhacda. Dhammaan dhulkii bulshadaas laga qaxiyayna waxaa la siiyay ganacsato laga qaaday lacago yar oo aan xitaa la geyn khasnadda dhexe ee dowladda, lana aqoon si loo maareeyay.
Xasan Sheekh shalay ayuu Muqdisho kusoo laabtay, isaga oo wata diyaarad la sheegay in Qatar kusoo tabarucday, taageerayaashiisuna ay aad ugu farxeen, halka maatida la dayacay aysan jirin cid is weydiineysa, xitaa ma jirto siyaasad Qaran oo loogu sameynayo dib u dejin.

