Sunday, October 26, 2025
HomeWararGudahaQarax lagu dilay askar ka tirsan ciidanka Kenya oo ka dhacay gobolka...

Qarax lagu dilay askar ka tirsan ciidanka Kenya oo ka dhacay gobolka Waqooyi Bari .

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax miino oo lala eegtay kolanyo gaadiid ah oo ay wateen ciidanka dowladda Kenya oo ku socdaalayay deegaano ka tirsan gobolka Waqooyi Bari Kenya.

Qaraxa ayaa la tilmaamay inuu haleelay mid ka mid kolanyada gaadiid oo ka timid dhinaca deegaanka Pandanguo, kuwaas oo kusii jeeday deegaanka Witu oo ka mid ah deegaanada hoostaga magaalada Lamu.

Qaraxa oo qabsaday gaari noociisu yahay Taw ayaa la sheegay inuu geystay khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaaray ciidanka saarna gaariga, hayeeshee lama xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha.

Kooxda Al-Shabaab oo ka hadashay khasaaraha ka dhashay weerarka qaraxa ayaa sheegtay iney ku dileen 25 ka tirsan Ciidamada Kenya, kadib markii ay gubeen laba gaari, hayeeshee majirto warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada kooxda Al-shabaab.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka saraakiisha ciidamada dowladda kenya oo ku aadan khasaaraha ka dhashay weerarka miino ee lala beegsaday kolanyada gaadiidka ah oo ay wateen ciidamada dalkaasi Kenya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe