Saturday, October 4, 2025
HomeWararGudahaQarax culus oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada soomaaliya

Qarax culus oo ka dhacay agagaarka Madaxtooyada soomaaliya

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax xooggan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho, kaas oo jugtiisa si weyn looga maqlay aagga xaafadaha ku dhow Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya.

Qaraxa ayaa lagu soo warramayaa inuu si gaar ah uga dhacay agagaarka Godka Jilacow oo ku yaalla afaafka hore ee Madaxtooyada, gaar ahaan dhinaca Taalada Daljirka Daahsoon. Warar hordhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa ismiidaamin, isla markaana lala beegsaday bar-koontarool oo laga ilaaliyo amniga xarunta Villa Soomaaliya.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo uuro is qabsaday hawada sare iyo xaalad deg deg ah oo ka taagan meesha ay wax ka dhaceen.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ayaa sidoo kale isku geedaamay goobta la beegsaday oo ah meel aad loo ilaaliyo amnigeeda, waxaana soconayo gurmad deg-deg ah.

lasoco wixii soo kordha

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe