Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa xal u raadinaysa dilalka aanooyinka la xiriira ee Gobolka Mudug gaar ahaan Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo, Madaxweyne Siciid Deni ayaa kulan arrintaas ku saabsan la qaatay Isimada Dhaqanka, hay’adaha amniga & mas’uuliyiin kale.
Hay’adaha ammaanka Dowlad-Goboleedka Puntland ayaa la faray in ay gacan adag ku qabtaan Maleeshiyaadka hubaysan ee dilalka aanooyinka ah ka gaysta Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug si looga hortago sii socoshada dilalkaas.
Puntland ayaa tilmaamtay in ay gacan adag ku qabanayso Dadka ka shaqaynaya falalka liddiga ku ah Amniga Magaalada Gaalkacyo gaar ahaan beegsiga ka dhanka ah Ganacsatada, Dhaqaatiirta & Dadka kale ee haldoorka ah ee dilalka aanooyinka loo gaysto.

