Monday, October 13, 2025
HomeWararGudahaPuntland oo weerar ku qaaday fariisimo ay ku tuhmayaan Daacish

Puntland oo weerar ku qaaday fariisimo ay ku tuhmayaan Daacish

Sida ay sheegayaan warar soo baxaya dagaal xooggan ayaa socdo Ceelka Il-Abbal oo la rumeysan yahay inuu saldhig muhiim ah u yahay ciidamada Puntland iyo kooxda Daacish ee ku sugan buuraha Calmiskaad.

ciidamada Puntland ayaa weerar qorsheysan ku qaaday Ceel-Cabbal, halkaasoo si weyn looga shakisan yahay inuu ku sugan yahay C/raxmaan Faahiye Ciise Maxamuud oo ah ku xigeenka hogaamiyaha Daacish ee Soomaaliya.

Ceelka Il-Abbal waxaana lagu tiriyaa mid ka mid ah meelaha ugu horreeya ee Daacish ay hadda isku uruursanayaan aaggaas. Waxay ku taallaa meel u dhow togga Qansaxdheere, waxayna u dhowdahay tuulooyinka xeebta ee Buruc iyo Bacaad, oo ka tirsan degmada Boosaaso.

Laamaha ammaanka ayaa u sheegay in dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac, iyadoo meydadka xubno ka tirsan Daacish lagu arkay goobihii lagu dagaalamay. Si kastaba ha ahaatee, Puntland ayaan weli faah faahin dheeraad ah ka bixin xaaladda.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe