Tuesday, October 14, 2025
HomeWararGudahaMilatariga Soomaaliya oo la Wareegay Gaadiid Dagaal oo uu Watay Sarkaal Hore

Milatariga Soomaaliya oo la Wareegay Gaadiid Dagaal oo uu Watay Sarkaal Hore

Milatariga Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay gaadiid dagaal oo uu watay Col. Cali Xuubeey, oo horay uga tirsanaa ciidamada qalabka sida balse aan haatan ka mid ahayn.

Gadiidka Korneelkaan ayaa lagu qabtay xilli uu taliyuhu ku sugnaa agagaarka xeebta Liido, iyadoo lagu arkayay astaanta milatariga Soomaaliya, sida sarkaalkaan ku cadeeyay qoraal uu baraha Bulshada la wadaagay.

Col. Cali Xuubeey, oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay ciidamada milatariga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa dowlad-goboleedka Hirshabeelle, ayaa si cad uga falceliyay dhacdadan, Qoraal uu ku baahiyay bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inuu aad uga xun yahay sida wax u dhaceen, isagoo ku tilmaamay arrinta mid aan halkaas ku dhamaan doonin.

Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ay Wasaaradda Difaaca Soomaaliya dadaal xooggan ugu jirto dib u habeynta iyo la xisaabtanka hubka iyo hantida ciidan ee dowladda.

Maalin kahor, militariga ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota dadka sida sharci darrada ah u haysta gaadiidka milatariga, taasoo qayb ka ah dadaallada lagu sugayo amniga iyo kala dambeynta gudaha ciidamada.

Sida laga dheehan karo tallaabadan, dowladda federaalka ayaa muujinaysa in aysan aqbaleyn in gaadiidka dagaalka iyo hubka dowladda lagu haysto si gaar ah ama loo adeegsado si ka baxsan nidaamka milatari.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe