Saturday, January 31, 2026
HomeWararGudahaMaxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dawlada Jubaland oo maanta...

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dawlada Jubaland oo maanta u fariisatay kiis dacawadeed ciiqaab ah

Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dawlada Jubaland waxay maanta u fariisatay kiis dacawadeed ciiqaab ah oo uu eedaysane ka yahay Ramadaan Maxamed Xirsi 28 jir ah, ku dhashay Dhoobley, dagana Afmadoow, kaas o ku eedaysan gaysashada dil uu ugaystay marxuum Dr. Aadan Cabdi Bashiir 55 ahaa, ku dhashay daganaana Afmadoow 13/1/2026, abaare 2 saac oo fiidmo.

Fadhiga Maxkamadda waxaa Gudoominayey, Gaashaanle Sare Cabdulaahi Maxamuud Ibraahim (Faaqid), oo ay wehelinayaan labadiisa ku xigeen, waxaa sidoo kale eeda soo soo jeediyay Xeer Ilaaliyaha Guud ee Ciidanka Jubaland, Gashaanle Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali.

Maxkamadda ayaa fadhiga 1-aad ku dhagaystay eeda Xafiiska Xeer Ilaalinta iyo qaybo ka mid ah cadaymaha la horkeenay, sidoo kale maxkamadu waxay dhagaystay difaaca qareenka eedaysanaha, halka dib looga balamay fadhiga labaad.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe