Saturday, September 27, 2025
HomeWararGudahaMaxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdi sare oo ka...

Maxay ka wada hadleen Ra’iisul wasaare Xamse iyo wafdi sare oo ka socday Jaamacadda Carabta?

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta la kulmay wafdi sare oo ka socda Jaamacadda Carabta, kuwaasi oo dhawaan yimid Magaalada Muqdisho.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay taageerada Jaamacadda Carabta ee ku aaddan dhinacyada diblumaasiyadda, waxbarashada, dowlad-dhiska iyo doorka ay ka qaateen dayn cafinta iyo dhaqaalaha dalka.

Sidoo kale, Wafdiga Jaamacadda Carabta ayaa Soomaaliya ka hirgalineysa mashruuc ballaaran oo la xiriira in horumarinta Afka Carabiga iyo tayeynta Manhajka Waxbarashada dalka.

Ra’iisul wasaare Xamse ayaa xubnaha Jaamcadda Carabta siiyay warbixin la xiriirta horumarka ay Soomaaliya gaartay ee dhinacyada Amniga iyo doorashooyinka.

Dhankooda, Xubnaha ka socday ururka Jaamacadda Carabta oo uu hoggaaminayo Agaasimaha waaxda Geeska Afrika iyo Suudaan ee Jaamacadda Carabta, Zayd Al-sabbaan, ayaa bogaadiyey dadaallada dowladda Soomaaliya iyo horumarka ay gaartay.

Sidoo kale, waxaa ay wafdigaan sheegeen in ay ka shaqeynayaan sare u qaadida iskaashiga iyo horumarka, siyaasadda, dhaqaalaha iyo wada-shaqeynta.

Jaamacadda Carabta iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir diblumaasiyadeed oo dhow, waxaana ay ka taageeraan dib u dhiska hay’addaha dowliga ah.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe