Madaxweynaha waqtigiisa sii dhamaanaya ee soomaaliya xasan sheikh maxamuud iyo Wafdi uu Hogaaminayo Ayaa waxaa lagu wadaa in saacadaha soo socda ay Garaan Dalka Jabuuti, si maalinta Biri ay ugu Qeyb Galaan shir loogu Mahadcelinayo Dowlada Jabuuti kaalintii ay ku laheed jamuuriyadii sedaxaad ee soomaaliya.
Dhinaca kale waxaa Dalka Jabuuti ku sugan Madaxda mucaaradka oo ay ka mid yihii madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cabdi Faarax Shirdoon Saacid.
Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa lo qorsheynayaa in marka uu maanta madaxweynaha waqtigiisa ii dhamanaya ee xasan sheikh uu Tago Dalka Jabuuti in kulu Gaar Gaar ah ka dhax bilaabo madxweyne xasan sheikh iyo Madaxda mucaaradka isla markaana, Madaxweynaha dalka Djibouti Ismaaciil Cumar Geelle waxaa uu doonaya in uu kulansiiyo Xubnaha muucaarad ee ku sugan Dalka Jabuuti iyo madaxweyne xasan.
Wararka qaar ayaa shegaya in madaxda maamul Goboleedyada ay iska diideen in ay Tagaan Dalka Jabuuti waxaa ka mid ah, Saciid Cabdulaahi Deni madaxweynaha Puntland iyo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Axmed Maxamed Islaam.
Sidoo kale waraka qaar ayaa sheegaya in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseein Rooble uu ka baaqday shirkaa lagu wado in uu ka dhaco Jabuuti?
Dalka Jabuuti waxaa ku qulqulaya siyaasiyiin iyo madax sare oo ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka qayb galaya xuska 25-guurada heshiiskii taariikhiga ahaa ee Carta.
Si kastaba ha ahaatee, Ra’iisul Wasaarihii hore, Maxamed Xuseen Rooble, kama mid noqona mas’uuliyiintii halkaasi lagu soo dhoweeyn doono, inkasta oo uu ahaa shaqsiga dib u soo celiyay xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Jabuuti xilligii uu xilka hayay.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo badan, iyadoo dadka qaarkood ay is weydiinayaan in Dowladda Jabuuti ay ku abaal dhacday Rooble, ama haddii ka maqnaanshihiisu uu salka ku hayo arrimo shaqsiyadeed.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu xusuustaa dadaallo ballaaran oo uu ku bixiyay dib u soo hagaajinta xiriirka labada dal, gaar ahaan xilli ay jireen khilaaf diblomaasiyeed oo saameeyay wadashaqeynta Soomaaliya iyo Jabuuti.
Shirka maalinta Biri ka furmaya Dalka Jabuuti ayaa indha lagu wadahaaya waxaana shirkaas ka qeyb Galaya Dad kala duwan oo lagu casumay shirkaas.

