Sunday, November 16, 2025
HomeWararGudahaMaxaa looga hadlay kulanka Wasiir Fartaag iyo Danjire James Swan?

Maxaa looga hadlay kulanka Wasiir Fartaag iyo Danjire James Swan?

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa la kulmay Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Danjire James Swan.

Kulanka ayaa looga hadlay arrimo la xiriira amniga iyo iskaashiga ka dhaxeeya hey’adaha Qaramada Midoobay iyo Wasaaradda Amniga, gaar ahaan horumarka laga sameeyey amniga caasimadda, tababarrada ciidanka daraawiishta.

Wasiirka Amniga Gudaha Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil, ayaa danjiraha warbixin ka siiyay amniga guud ee dalka gaar ahaan sidii ay uga hortageen falalka amniga darro ee xilliyada qaar dhici jiray.

Dhankiisa, Danjire James Swan ayaa sheegay in sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga ay la leeyihiin hey’adaha amniga dalka, gaar ahaan sidii loo xaqiijin lahaa amniga caasimadda iyo guud ahaan dalka.

Kulanka ayaa ku soo aadaya xilli xubnaha Mucaaradka dowladda ay maalmihii la soo dhaafay ay dhaqdhaqaaqyo ka wadeen magaalada Muqdisho, iyagoo doonayay in ay dhigaan Bannaanbax.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe