Thursday, October 2, 2025
HomeWararGudahaMasuul ka tirsanaa maamulka degmada Garbahaarrey oo lagu dilay magaaladaas

Masuul ka tirsanaa maamulka degmada Garbahaarrey oo lagu dilay magaaladaas

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dil Xalay loogu geystay gudaha magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo guddoomiyihii xaafadda Towfiiq ee magaaladaas.

Guddoomiye xaafadeedka Xalay lagu dilay degmada Garbahaarey ayaa lagu magacaabi jiray Cabdi Fareey, waxaana dilkiisa geystay kooxo hubeysna.

Dad goobjoogayaal ah ayaa warbaahinta gudaha u xaqiijiyay in kooxda geystay dilka guddoomiye Cabdi Fareey iney si deg deg ah uga baxsadeen goobta.

Wali si rasmi ah looma oga sababta ka dambeysay dilka guddoomiyahii xaafada Towfiiq ee degmada Garbahaareey, kaasoo ahaa shaqsi si weyn looga dhex garanaayay magaalada Garbahaarey ee gobolka Gedo

Ciidamada amaanka ee degmadaas ayaa saaka xaafadaha magaaladaas ka bilaabay howlgallo ballaaran oo lagu baadi goobayo ragii ka dambeeyay dilka.

Dilka masuulkaan ayaa kusoo aadaya, iyadoo mudooyinkii dambe amniga Garbahaarey uu ahaa mid faraha kasii baxayay, waxaana halkaas marar kala duwan sidaan oo kale uga dhacay dilal qorsheysan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe