Sunday, April 5, 2026
HomeWararGudahaMarkabkii shidaalka ka qodi lahaa Soomaaliya oo jimcaha ku wajahan xeebaha dalka

Markabkii shidaalka ka qodi lahaa Soomaaliya oo jimcaha ku wajahan xeebaha dalka

Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Turkiga, Alparslan Bayraktar, ayaa sheegay in markabka qodista shidaalka ee Çağrı Bey uu Jimcaha soo gaari doono gudaha Soomaaliya, halkaas oo uu ka bilaabi doono howlgalka ugu horreeya ee qodista shidaalka ee badda.

“Jimcaha, markabkeena ÇaÄŸrı Bey wuxuu imaan doonaa Soomaaliya. Markabkan ayaan ku bilaabi doonaa howlgalka qodista badda ee ugu horreeya ee Soomaaliya. Insha Allah,” ayuu yiri Bayraktar,

Wasiirka Tamarta Turkig aya sheegaya in shidaalka ay kasoo saaraan Soomaaliya ku fulin doonnaan mashruuc ay si weyn uga faa’iideyn karaan Soomaaliya, Bariga Afrika,  iyo dalka Turkiga.

Markabkan cusub ee qodista qoto-dheer ayaa 15-kii Febraayo 2026 ka ambabaxay gobolka koonfureed ee Mersin, isagoo ku wajahnaa Soomaaliya si uu u bilaabo howlgalka qodista shidaalka badda.

Bayraktar ayaa sidoo kale sheegay in markabkan uu yahay kii labaad ee Turkigu geeyo biyaha Soomaaliya, isagoo xusay in uu ka dambeeayay markabka Oruç Reis. Waxa uu intaas ku daray in Çağrı Bey uu yahay markabkii ugu horreeyay ee qodis ah oo Turkigu ka hawlgeliyo meel ka baxsan biyihiisa.

Türkiye, ayaa la leh Soomaaliya iskaashi xooggan oo ay ka mid yihiin tamarta, difaaca iyo maalgashiga kaabeyaasha dhaqaalaha. Labada dowladood ayaa sanadihii u dambeeyay kala saxiixday heshiisyo is-afgarad oo dhowr ah oo ku saabsan iskaashiga.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe