Thursday, April 9, 2026
HomeWararGudahaMarkabka Çağrı Bey oo Jimcaha kusoo xiranaya Dekedda Muqdisho

Markabka Çağrı Bey oo Jimcaha kusoo xiranaya Dekedda Muqdisho

Dekedda Muqdisho waxaa Jimcaha kusoo xiranaya Markabka Çağrı Bey ee Turkiga u xilsaaran soosaarka Shidaalka isaga oo qabanaya shaqadii ugu horreeyay meel ka baxsan Biyaha Dalkiisa, waxa uu haatan ku sugan yahay xeebaha Soomaaliya.

Wafdi ka socda Dowladda Turkiga ayaa kusoo wajahan Magaalada Muqdisho si ay qayb uga noqdaan soo dhawaynta Markabkaan oo kol hore ay kasoo ambabixiyeen Dalkooda isaga oo safar dheer kaddib soo gaaray Biyaha Soomaaliya.

Waxaa kale oo la sugayaa Maraakiibta kale ee Turkiga kuwaas oo sahmin ku samaynaya goobo cusub oo dhowaan lagu billaabayo qodista shidaalka iyo macdanta kale ee laga heli karo Badda Soomaaliya sida ay ku warrameen ilo kala duwan.

Ammaanka xeebaha Dalka ayaa la adkeeyay iyada oo la dhowrayo sida loo dhabeeyo riyada muddo dheer ay ku jirtay Soomaaliya oo ahayd in ay lasoo baxdo khayraadkeeda dabiiciga ah ee badda iyo bariga ku jira.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe