Xaalad cusub oo dhinaca siyaasadda iyo amniga ah ayaa maanta ka taagan magaalada Marka, xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, kaddib markii kooxo hubeysan oo taageersan maamulka loogu magac daray Koonfur-bari Soomaaliya ay gudaha magaalada soo galeen, isla markaana calankooda ka taageen xarumaha maamulka marka.
wararka qaar yaa sheegaya in kooxdaasi ay gudaha u gashay magaalada Marka, ayna la wareegtay qaybo ka mid ah xarumaha maamulka. kooxdan aya horay ugu dhawaaqday maamul ay ugu magac dareen Koonfur-bari Soomaaliya, kaas oo aan weli haysan aqoonsi rasmi ah oo ka yimid Dowladda Federaalka Soomaaliya ama maamulka Koonfur Galbeed.
Sida wararka laga helayo Marka ay sheegayaan, calanka maamulka cusub ayaa laga taagay xarumo ay ka mid yihiin xarunta dowladda hoose ee degmada Marka, saldhigga degmada iyo xarunta maamulka gobolka Shabeellaha Hoose.
Calanka maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga dejiyay qaar ka mid ah goobahaasi, iyadoo tallaabadaas loo arkayo mid muujinaysa in kooxda taageersan maamulka cusub ay doonayaan inay si muuqata uga dhex muuqdaan magaalada.
Dhaqdhaqaaqa maanta ka socda Marka ma ahan markii ugu horreysay ee magaalada looga dhawaaqo maamulka Koonfur-bari.
Bogga rasmiga ah ee maamulka loogu magac daray South East State of Somalia ayaa sheegay in 14-kii May 2026 magaalada Marka lagu dhawaaqay dhismaha maamulkaas, isla markaana Marka loo magacaabay caasimadda maamulka cusub.
Maamulkaasi wuxuu sheegay inuu doonayo inuu noqdo maamul xubin ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna ku baaqay in loo aqoonsado geeddi-socod ka tarjumaya rabitaanka dadka deegaanka.
Wararka laga helayo magaalada ayaa sidoo kale sheegaya in qaar ka mid ah shacabka ay bilaabeen bannaanbaxyo lagu taageerayo maamulka Koonfur-bari.
Dadka kasoo qaybgalaya bannaanbaxyada ayaa la sheegay inay soo dhaweynayaan ciidamada iyo kooxda sheegatay inay la wareegeen magaalada, iyagoo muujinaya taageerada ay u hayaan maamulka cusub.
Marka ayaa muddo dheer ahayd xarunta gobolka Shabeellaha Hoose, waxaana magaalada ka jiray maamulka Koonfur Galbeed.
La wareegidda xarumaha maamulka iyo dejinta calankii Koonfur Galbeed ayaa hadda abuurtay su’aalo ku saabsan cidda si dhab ah gacanta ugu haysa magaalada iyo sida ay uga falcelin doonaan maamulka Koonfur Galbeed iyo Dowladda Federaalka.
Dadka magaalada Marka ayaa hadda wajahaya xaalad cusub oo amni iyo siyaasadeed, iyadoo ciidamo hubeysan ay joogaan xarumaha muhiimka ah.
Shabeellaha Hoose ayaa ah gobol istiraatiiji ah oo muhiim u ah amniga Muqdisho iyo isku socodka koonfurta Soomaaliya. Sidaas darteed, isbeddel kasta oo ka dhaca magaalada Marka wuxuu yeelan karaa saameyn ka baxsan magaalada lafteeda.
Xaaladda Marka waxay u baahan tahay in dhinacyada ay khuseyso ay muujiyaan dulqaad iyo masuuliyad, si looga fogaado in khilaaf siyaasadeed iyo maamul uu isu beddelo dagaal saameeya shacabka.
Dadka magaalada ayaa u baahan amni, adeegyo iyo xasillooni, iyadoo laga fogaado wax kasta oo sababi kara in xaaladda ay kasii darto.
Waxaa sidoo kale muhiim ah in Dowladda Federaalka, maamulka Koonfur Galbeed iyo dhinacyada taageersan Koonfur-bari ay arrinta ku wajahan yihiin wada-hadal iyo hannaan siyaasadeed, halkii ay adeegsan lahaayeen awood ciidan.

