Sunday, October 26, 2025
HomeWararDibaddaMagaalada Dhuusamareeb oo uu maanta ka furmay Shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya

Magaalada Dhuusamareeb oo uu maanta ka furmay Shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya

Madaxwayne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta si rasmi ah u furay Shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya kaas oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobaleedyada.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ayaa waxaa ka soo qeyb galay Wasiirka Waxbarashada Federaalka Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada XFS, Wasiirrada Waxbarashada Maamul goboleedyada, Agaaasime-yaasha Guud, Agaasime waaxeedyada wasaaradaha waxbarashada iyo howl wadeennada waxbarashada qeybahooda kala duwan.

“Shirka ayaa looga arrinsanayaa xaaladda waxbarashada dalka, qorshaha mustaqbalka waxbarashada, daadajinta adeegyada wasaaradda iyo wadashaqaynta Wasaaradaha waxbarashada heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed,” sida lagu yiri qoraal ka soo baxay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

Maalinimadii shalay ayaa Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Madaxtooyada Galmudug ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Federaalka ee Soomaaliya Faarax Shiikh Cabdulqaadir kana kooban wasiirrada waxbarashada Dowladaha xubnaha ka ah DFS.

Gunaadanadka shirka wadatashiga Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya ee Wasaaradaha Waxbarashada Dowladda Federaalka iyo dowlad Gobaleedyada ayaa la filayaa gunaanadkiisa in laga soo saaro warmurtiyeed jiheynaya waxbarashada dalka.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe