Sunday, October 5, 2025
HomeWararGudahaMadaxweyne Xassan Shiikh oo maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo

Madaxweyne Xassan Shiikh oo maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo

Madaxweyne Xassan Sheekh ayaa maalinta ayaa  ku wajahan magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland.

Wadahadallo fool ka fool ah ayaa u bilaabanaya madaxweyne Xassan Sheekh iyo Axmed Madoobe oo labada dhinac ay isla soo mareen xaalad adag oo dagaal ah sida dhacdadii Raas-kambooni iyo dagaaladii Gedo.

Maxkamadda gobolka banaadir ayaa hore amar soo saartay amar soo xirid Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe, kaasoo aan weli laga laaban, tan oo su’aal  galineysa sida uu Madaxweyne ula kulmi karo qof eedeysane oo waaran xarig loo jaray.

Golaha wasiirada ayaa sidoo kale horey u soo saaray qaraar ka dhan ahaa Axmed Madoobe iyada hadallo kuwa ugu adag loo isticmaalay sida in uu xariir la leeyahay kooxda Al shabab.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe