Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta furaya kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad, Madaxweynaha ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay si uu u furo kalfadhigaan oo dhowr jeer horay u baaqday.
Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Senatarrada Aqalka Sare ayaa lagu wargeliyay in ay soo xaadiraan furmashada kalfadhigooda maanta, waxaa laga codsaday in ay fadhiga xaadiraan mudaneyaasha oo aanay dhicin in xildhibaan ku sugan Muqdisho uu iska maqnaado.
Sida ku xusan qodobka 90aad ee Dastuurka Dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa furaya Kalfadhiga isaga oo ka jeedinaya khudbad uu uga hadlayo waxqabadka Dowladda mudddadii uu Baarlamaanka fasaxa ku maqnaa iyo dardaaran guud uu siinayo.
Baarlamaanka 11aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo la dhaariyay bishii April sanadkii 2022kii waxaa muddo xileedkiisa sharciga ah ka dhiman in ka yar 8 bil, waxaana lagu wadaa in kalfadhigaan inta lagu jiro loo gudbiyo qodobo la xiriira doorashooyinka Dalka.