Monday, November 10, 2025
HomeWararGudahaMadaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka...

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo u ambabaxay dalka Algeria

Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow u  ambabaxay magaalada Algiers oo ah Caasimadda dalka Algeria.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa ayaa Casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalkaasi Algeria madaxweyne Abdelmadjid Tebboune.

Socdaalka madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdigiisa ee Algeria ayaa la tilmaamau iney qeyb ka tahay dadaalada dowladda Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka laba geesoodka ah ee kala dhexeeya dowladda Algeria, gaar ahaan dhinacyada amniga, dhaqaalaha, tamarta iyo iskaashiga diblomaasiyadeed.

Wafdiga madaxweynaha ku wehliya safarka Algeria waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Waasiirrada Soomaaliya oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Difaaca, Wasiirka Macdanta iyo Batroolka, Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Cabdisalaan Cali Dhaay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa mudada ay joogaan magaalada Algiers waxay kulamo lagu xoojinayo xiriirka labada dal iyo arrimo ku saabsan iskaashiga gobolka iyo midka caalamiga ah la qaadan doonaan Madaxweynaha dalkaas Abdelmadjid Tebboune iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan dowladdiisa.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe