Sunday, February 1, 2026
HomeWararGudahaMadaxweyne Siciid Deni oo ku dhawaad 4 sano kaddib u safraya Muqdisho...

Madaxweyne Siciid Deni oo ku dhawaad 4 sano kaddib u safraya Muqdisho si uu uga qeyb galo gogosha wada-hadalka Dowladda Federaalka

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa saakay u safraya magaalada Muqdisho, halkaas oo uu kaga qeyb galayo gogol wada-hadal ah oo ay dhigtay Dowladda Federaalka Soomaaliya. Gogoshan ayaa lagu doonayaa in xal looga gaaro khilaafka siyaasadeed ee ka taagan arrimaha doorashooyinka dalka iyo wax-ka-beddelka dastuurka.

Madaxweyne Deni ayaa Muqdisho u sii diray  ciidamo ku hubeysan hubka fudud iyo kuwa culus, kuwaas oo mas’uul ka noqon doona sugidda amnigiisa. Waa markii labaad oo uu Deni Muqdisho tagayo isaga oo wata ciidamo tiro badan, arrintaas oo muujinaysa heerka kalsooni-darrada iyo shakiga ka dhex jira Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Ku dhowaad afar sano ka hor ayay ahayd markii ugu dambeysay ee Madaxweyne Deni uu tago Muqdisho, xilligaas oo ku beegnaa bilo kooban kaddib doorashadii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Tan iyo waqtigaas, Puntland iyo Dowladda Federaalka ma yeelan xiriir wada-shaqeyn oo muuqda, inkastoo ay jireen isku dayo badan oo lagu doonayay in xal lagu gaaro khilaafaadka jira.

Dhawaan, Puntland ayaa ogolaatay inay ka qeyb gasho gogosha wada-hadalka ee ay Dowladda Federaalku ku baaqday, taasoo diiradda lagu saarayo arrimaha doorashooyinka, si loo gaaro xal mideysan oo dalka u horseeda jihada saxda ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo muddo xileedkiisa ay ka harsan tahay wax ka yar afar bilood, ayaa lagu dhaliilayaa in uusan dalka u diyaarin doorasho heshiis qaran lagu yahay, isla markaana waxaa haatan soo baxaysa inuu ka tanaasulay hammigiisii ku aaddanaa qabashada doorasho qof iyo cod ah.

Waxaa la filayaa in dhammaan hoggaamiyeyaasha Dowlad-Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka ee ku shirsan Muqdisho ay isla meel dhigaan heshiis siyaasadeed oo dalka uga saaraya hubanti-la’aanta iyo qalalaasaha siyaasadeed ee taagan.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe