Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sanadkii labaad oo xidhiidh ah ka qaybgalay Shirka Caalamiga ah ee Dowladaha Adduunka (World Governments Summit), kaas oo ka socda magaalada Dubai ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland.
Sida ay Madaxtooyadu sheegtay, shirkan oo ka mid ah kulamada caalamiga ah ee ugu waaweyn dunida ayaa diiradda lagu saaraa arrimaha hoggaaminta casriga ah, maamul-wanaagga, horumarinta dawladnimada, hal-abuurnimada, iyo jihaynta mustaqbalka caalamka.
Madaxtooyadu waxay tilmaantay in shirka sanadkan ay ka soo qaybgalayaan kumannaan masuuliyiin iyo hoggaamiyeyaal caalami ah, oo ay ku jiraan madax-dawladeed, ra’iisul-wasaarayaal, wasiirro, khubaro caalami ah, ganacsato waaweyn, iyo wakiillo ka socda hay’adaha caalamiga ah, “taas oo muujinaysa muhiimadda uu shirku ku leeyahay siyaasadda iyo horumarka caalamka.”
Madaxtooyada ayaa sheegtay in ka qaybgalka Madaxweynaha Somaliland ee shirkan sanadkii labaad oo xidhiidh ah ay muujinayso door sii kordhaya oo ay Somaliland ku leedahay fagaarayaasha caalamiga ah, isla markaana ay doonayso in ay codkeeda iyo aragtideeda gaadhsiiso bulshada caalamka.
Inta uu shirku socdo, Madaxweynaha Somaliland ayaa la filayaa in uu kulammo la yeesho hoggaamiyeyaal iyo masuuliyiin caalami ah, kuwaas oo, sida Madaxtooyadu xustay, diiradda lagu saari doono arrimaha la xidhiidha horumarka, xasilloonida, iyo aragtida mustaqbalka ee Somaliland.
Somaliland sidoo kale waxay sheegtay in ka qaybgalka Somaliland ee shirkani uu leeyahay muhiimad diblomaasiyadeed, maaddaama Somaliland ay fursad u helayso in ay madal caalami ah ku soo bandhigto waayo-aragnimadeeda, nabad-dhisida, iyo danaheeda
Weftiga Madaxweynaha Somaliland ayaa, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka, ka kooban Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Wasiirka Madaxtooyada, Wasiirka Macdanta iyo Tamarta, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta, Madaxa Xafiiska Madaxweynaha, Wakiilka Somaliland ee Isu-tagga Imaaraadka Carabta, iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda.
Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore ka cadhootay ka qaybgalka Somaliland ee shirkan, iyada oo sida ay sheegtay Imaaraatka kala hadashay in Madaxweyne Cirro aan mardambe lagu soo marti qaadin shir noocan ah, laakiin intaa kadib waxa sii xumaaday xidhiidhka Muqdisho iyo Abu Dhabi, kadib markii ay Soomaaliya Imaaraatka ku eedaysay in uu taageero aqoonsiga Somaliland.

