Tuesday, May 12, 2026
HomeWararMadaxweynaha Puntland oo shaaciyay laba caqabad oo heysta Soomaaliya

Madaxweynaha Puntland oo shaaciyay laba caqabad oo heysta Soomaaliya

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay kajiraan laba caqabadood, kuwaas oo hortaagan dhismaha dowladnimada Soomaaliya, loona baahan yahay in xal laga gaaro.

Madaxweynaha oo hadal ka jeedinayay kulan ka dhacay dalka Zambia ayaa sheegay in xilligaan Soomaaliya uu dhibaato ku haayo khilaafsayada siyaasadeed ee aan xalka laga gaarin, kuwaas oo ragaadiyay dalka Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi kudaray Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni in dhibaatada labaad ay tahay arrinta Somaliland oo sheegata inay ka go’day Somaaliya inteeda kale, balse uu sheegay in dad badan oo degaannadaas kunool aysan la qabin.

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in caqabada dadka Soomaaliyeed heysata ay tahay khilaafka siyaasadeed ee aan la xalin, taas oo dhib u dhigtay in guul laga gaaro dowladnimadda Somaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe