Wada-hadalladii u socday madaxweyaha 7 bil u Harsantay iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa lagu kala tegay, iyada oo kulamadii socday tan iyo xalay ay kusoo dhammaadeen natiijo la’aan.
Madaxweynaha 7 bil u harsantahay ee soomaaliya ayaa goordhow kasoo duulay garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xasan, waxaana kasoo sagootiyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Wararka ayaa sheegaya in gebi ahaan wada-hadalladii scodan ay noqdeen kuwa lagu kala tagay, iyada oo aan wax natiijo ah la gaarin, kadib markii labada dhinac ay ku adkeysteen mowqifyadooda.
Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in iyadoo la ilaalinayo in wada-hadalladu burbureen lagu ballamay in lasoo saaro war murtiyeed waji dadbasho ah oo lagu sheegayo in wada-hadalladu ay soo socon doonaan marar kale.
Madaxweynaha soomaaliya ee waqtigiisa sii dhamanaya ayaa ku adkeystay in Madaxweynaha Jubbaland , Axmed Madoobe uu ka laabto doorashadii Jubbaland, isla markaana uu aqbalo hirgelinta doorashada qof iyo cod, iyo inuu dib ugu soo biiro Golaha Wadatashiga Qaran.
wararka qaar ayaa intaasi kusii daraya in wafdigii dhex-dhexaadinta ee ka socday Kenya, ay iyaguna ka ambabaxeen Kismaayo, kuna laabteen magaalada caasimada ah ee Nairobi, maadaama aan lagu guuleysan dadaalladii indhowaanahan soo socday, si xal loo gaaro.