Thursday, April 2, 2026
HomeWararGudahaMacawiisleyda oo Howlgal Ballaaran ka Fuliyey Galgaduud

Macawiisleyda oo Howlgal Ballaaran ka Fuliyey Galgaduud

Ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ee ka howlgala degmada Baxdo ayaa howlgal ballaaran ka sameeyey deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud, kuwaas oo ay ka mid tahay degmada Camaara.

 

Howlgalka ayaa si gaar ah diiradda u saaray xarumo iyo goobaha ay kooxda Alshabaab ku sugnaayeen, waxaana la sheegay in lagu dilay in ka badan 11 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi.

Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey guddoomiye ku-xigeenka degmada Baxdo, Axmed Salaad Sheekh, howlgalka ayaa ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyey, wuxuuna sheegay inuu weli soconayo.

“Ciidamada deegaanka ayaa howlgal gaar ah ku beegsaday kooxaha Alshabaab ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada hoos yimaada Camaara iyo nawaaxigeeda. Illaa iyo hadda waxaan xaqiijin karnaa dhimashada 11 xubnood oo ka tirsan kooxdaasi,” ayuu yiri Axmed Salaad.

Sidoo kale, waxaa lasoo sheegayaa inuu jiro khasaare kale oo gaaray dhinacyada, inkastoo aan si rasmi ah loo faahfaahin tirada dhabta ah ee dhimasho iyo dhaawac kale oo howlgalkaasi ka dhashay.

Gobolka Galgaduud, gaar ahaan deegaanada miyiga ah, ayaa waxaa weli ku sugan xoogagga Alshabaab, kuwaas oo maamula deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolkaasi, taas oo ka dhigaysa howlgalada noocan oo kale ah kuwo muhiim u ah sugidda amniga iyo burburinta saldhigyada kooxda.

Ciidamada deegaanka iyo kuwa dowladda ayaa inta badan fuliyo howlgallo la mid ah kuwaan si ay u yaraystaan awoodda Alshabaab ee ku harsan bartamaha Soomaaliya.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe