Waxaa lagu xiray Magaalada muqdisho Agaasinka Guud ee Himilo Somali TV kuwaasi oo kala ah Agaasime Axmed Maxamed Aadan iyo Khadar Cabdiraxiin Ibraahim kuwaasi oo xiliyo kala duwan looga yeeray Saldhiga Degmada Waaberi.
xarigaas waxa ka hadlay madax kala duwan.
Xildhiban Yusuf Xusen Axmed Gamadiid ayaa si adag u Cambaareeyay Xariga Sharci darrada ah ee lagu kacay Agaasimaha TV-ga Himilo war Qoraal ah oo uu soo saaraybayuu ku yiri “Waxaan si adag u canbaaraynayaa xarigga iyo xadgudubka lagula kacay maamulka sare ee Warbaahinta Himilo TV, mudane Axmed Maxamed Aadam Agaasimaha Guud ee TV-ga iyo mudane Khadar Cabdirixiim Ibraahim Agaasime ku xigeenka TV-ga oo maanta xarig iyo handadaad loogu geystay magaalada Muqdisho.
Xarigga wariyaasha wuxuu caddeyn u yahay dhaqan xumida iyo sida loogu xad gudbaayo xaquuqaadkii muwaadinka ee dastuurka uu damaanad qaaday.
Himilo TV wuxuu ahaa warbaahin u hadasha dadka la dhibaateeyay ee danyarta ah, wuxuuna si xor ah uga hadlaa boobka iyo barakicinta ka socota Muqdisho, madaxda dowladda oo adeegsaneysa hay’adaha amniga ayaa go’aan ku gaaray in la ciqaabo ciddii tabisa boobka dhulka danta guud iyo barakicinta danyarta.
Waxaan usoo jeednayaa in si degdeg oo sharuud la’aan ah xorriyaddooda loo siiyo”.
Xisbiga Himilo Qaran ayaa dhankooda waay soo saareen qoraal kooban,waxa uu si adag u cambaareynayaa xariga iyo handadaadda lagula kacay agaasimaha telefishinka Himilo TV Axmed Maxamed Aaden & agaasime kuxigeenkiisa Khader Cabdiraxiin Ibraahim, kuwaas oo gudanayay waajibaadkooda shaqo ee saxaafadeed
Qodobka 18-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ayaa damaanad qaadaya xorriyadda hadalka & warbaahinta xorta ah, waana in qaanuunku shaqeeyaa, si dowladnimo wacan u hana qaaddo.
Dowladda oo horay loogu haystay wax ka bedelka dastuurka ayaa hadda mar kale cabburin ku hayso saxaafadda xorta ah, si meesha looga saaro xorriyadda afkaarta & codka xorta ah ee umadda.