Maamulka Degmada Kaaraan oo kaashanaya Ciidanka Amniga ee Police Militario ee Degmada Kaaraan ayaa waxa ay howlgal qorshaysan ka fuliyeen guri ku yaalla Waaxda Nageyle.
Howlgalkan ayaa lagu soo qabtay dhowr jawaan oo xashiish ah kadib markii muddooyinkii dambe bulshada deegaanka ay la wadaageen hay’adaha amniga xog ku saabsan gurigaas oo lagu tuhunsanaa in lagu kaydinayay maandooriyaha.
Saraakiisha howlgalka hogaaminaysay ayaa sheegay in gurigaan lagu raad joogay muddo, islamarkaana ay xog muhiim ah ka heleen shacabka deegaanka oo si dhow ula shaqeeyay ciidamada amniga.
Dambiilayaasha iyo agabkii lagu qabtay ayaa hadda lagu wareejiyay Saldhigga Booliska Degmada Kaaraan, halkaas oo baaritaan dheeraad ah lagu sii sameeyn doono, iyadoo loo gudbin doono hay’adaha sharciga si waafaqsan xeerka dalka.
Maamulka Degmada Kaaraan ayaa uga mahadceliyay shacabka Waaxda Nageyle sida ay ula shaqeeyeen ciidamada amniga, waxaana maamulka uu ku celiyay baaqiisa ku aaddan in bulshada ay sii xoojiyaan wada shaqeynta lagula dagaallamayo maandooriyaha iyo falalka lidka ku ah amniga guud ee degmada.

