Maalinta koowaad ee Ciidul-Fitriga ayaa maanta Muqdisho iyo Gobollada Dalka si isku mid ah looga ciiday, mas’uuliyiinta Dowladda Federaalka, Dowlad-Goboleedyada iyo kan Gobolka Banaadir ayaa Shacabka u diray hambalyo ku saabsan munaasabaddaan.
Waxa ay Shacabka ugu baaqeen in laga qaybqaato sugidda Amniga iyo la shaqaynta hay’adaha u xilsaaran adkaynta nabadgalyada, waxa ay saraakiisha iyo ciidamada usoo jeediyay in ay fududeeyeen isu socoodka waddooyinka.
Xaafado kamid ah Magaalada Muqdisho waxaa la geeyay ciidamo dheeraad ah oo katirsan kuwa ammaanka si ay qayb uga qaataan sugidda nabadgalyada Caasimadda inta lagu guda jira munaasabadda Ciidda Soonfur.
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mas’uuliyiinta iyo dadka wax haysta ugu baaqay in ay gacan qabtaan dadka tabaalaysan ee aanay awoodin ka qaybgalka farxadda maalintaan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, Xamsa Cabdi Barre, Guddoonka Baarlamaanka labadiisa aqal, Madaxda Dowlad-Goboleedyada iyo mas’uuliyiin kale ayaa sidaas oo kale ku baaqay in la gacanqabto qoysaska tabarta yar.

