29ka September 2025 oo beegan maalinta Isniinta ee todobaadkaan waxaa lagu wadaa in uu furmo kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka 11aad Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sida uu guddoonka sheegay.
Diyaargarow ku aadan furitaanta kalfadhiga ayaa socda, waxaa lagu wadaa in uu dalka dib ugu soo laabto Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo dalka Maraykanka ku maqan kana qaybgalay shirka 80aad ee Golahaas.
Sida uu dhigayo qodobka 90aad ee Dastuurka Dalka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ayaa furaya kalfadhiga isaga oo ka jeedinaya khudbad dastuuri ah oo uu uga hadlayo waxqabadka Dowladda iyo dardaarka baarlamaanka uu u jeedinayo.
Sida ay xaqiijiyeen ilo kala duwan, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saacadaha soo socda kasoo safraya dalka Maraykanka, si maalinta Isniinta u furo kalfadhiga Baarlamaanka, oo dhowr jeer baaqday.
Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu wargaliyay in ay dalka dib ugu soo laabtaan si ay uga qeyb galaan furitaanka, kuwaas oo qaar ka mid ah mudanayaasha ay dalka dibaddiisa ku maqan yihiin.
Furmashada Kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka waxa uu kusoo beegmayaa iyada oo mowjado siyaasadeed ay jiraan, horay waxaa miiska u yaallay Mooshinka xildhibaannada qaar ay wadeen waxaana ku darsamaya ololaha mucaaradka uu wado.