Thursday, November 20, 2025
HomeWararGudahaLabo Askari oo Ka Tirsan ciidamada Kenya oo Ku Geeriyooday Qarax Miino...

Labo Askari oo Ka Tirsan ciidamada Kenya oo Ku Geeriyooday Qarax Miino oo Al-Shabaab Dhigtay Agagaarka Liboi

Labo askari oo ka tirsan cutubka ilaalada xuduudaha Kenya ayaa ku dhintay qarax miino oo ay maleegeen dagaalyahanno Al-Shabaab ah kadib markii gaarigii ay wateen uu miinada kula qarxay wadada u dhaxaysa Liboi iyo Kulan ee gobolka Garissa, ee waqooyi-bari Kenya.

Sida ay sheegeen saraakiisha booliska ee la hadlay warbaahinta, qaraxu wuxuu dhacay xilli ay ciidamada ku jireen howlgal ay ka wadeen meel u dhow xadka Kenya iyo Soomaaliya, meel qiyaastii 370 km kaga beegan caasimadda Nairobi.

Miinada ayaa la sheegay in lagu aasay jidka, kadibna lagu qarxiyey marka ay ciidamada dul maraan, taas oo isla goobta ku dishay labada askari, burburisayna gaarigii ay wateen.

Ciidamada ammaanka ee Kenya ayaa si degdeg ah u gaaray halka ay wax ka dhaceen si ay u sugaan ammaanka, maadaama Al-Shabaab ay weli ku sugan tahay deegaanada xadka, islamarkaana ay wadaan weerarro ay ku beegsanayaan ciidamada dowladda sida ay warbaahinta Kenya sheegeen.

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya gaarigii askarta oo si xun u burburay,  Ciidamo boolis ah ayaa sidoo kale lagu arkayay iyaga oo baaritaan ka samaynaya goobaha u dhow goobta qaraxa ka dhacay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe