Safiirka Kenya ee QM Martin Kimani ayaa sheegay inuu u codeeyay qaraarka iyadoo ay ugu wacan tahay tallaabooyinka adag ee laga qaadayo ururka Al-Qaacida ee ku xiran ee Al-Shabaab.
“Dowladda Soomaaliya waxay raadineysaa taageero dheeri ah oo ay ka hesho Golaha, oo ay ku jirto qaadista cunaqabateynta hubka. Tani sidoo kale waa mowqifka uu qaatay Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika. Si kastaba, hindisahan ayaan helin taageero ku filan intii lagu guda jiray wareegan wada-xaajoodka,” ayuu yiri Kimani isagoo kalsooni ka muujiyay in hab-dhaqanka ciidamada Soomaaliya iyo dowladda federaalka ay mustaqbalka horseedi doonaan in la qaado cunaqabataynta.
Safiirka Soomaaliya ee Qaramada Midoobay Abuukar Daahir Cismaan ayaa muujiyay sida ay uga xun yihiin kordhinta cunaqabateynta, waxaana uu ammaanay afarta dal ee ka aamusay si aysan u taageerin kordhinta cunaqabateynta hubka.
“Cunaqabateyntan gacamaha ayay naga xireysa xilligii ugu adkaa ee aan dagaalka kula jirno cadowga arxan-laaweyaasha ah,” ayuu yiri Abuukar.
Ma cadda sababta Imaaraadka Carabta iyo Kenya, oo la rumeysnaa in Xasan Sheekh ay saaxiib la yihiin, aysan u taageerin dowladda federaalka.
Si kastaba, qaraarka ayaa waxaa ku jira qodob u ogolaanaya dowladda federaalka inay hub hesho.
“Qaraarka wuxuu go’aamiyey in dhammaan dalalka ay qaadaan tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah ka hortagga dhammaan hubka iyo agabka milateri ee la geeyo Soomaaliya, marka laga reebo hubka ay ka faa’iideysanayaan hay’adaha amniga iyo booliiska Soomaaliya ee heer qaran iyo heer gobol, kuwaas oo qaraarka aanu saameyneyn,” ayaa lagu yiri qoraalka qaraarka.
Qaraarka ayaa sidoo kale lagu xusay in cunaqabataynta hubka aysan khuseyn keenista hubka iyo agabka ciidan, ama bixinta talo farsamo, dhaqaale, kaalmo kale, iyo tababarada militari ee loogu talogalay horumarinta hay’adaha amniga iyo booliska Soomaaliya, si loo sugo amniga dadka iyo dalka.
Cunaqabatanta ayaan sidoo kale saameyneyn QM, ATMIS iyo hay’adaha kale ee caalamiga ee ka howlgala Soomaaliya.
Waxaanu sidoo kale qaraarka saameyneyn ururada iyo dalalka tababarka ciidanka siiya Soomaaliya, oo ay ku jiraan Midowga Yurub, Turkey, UK, Mareykanka iyo dal ama urur kasta oo heshiis is-fahan oo militari uu kala dhaxeeyo dowladda federaalka.
Dowladda federaalka ayaa bilihii tegay wadday dadaal xooggan oo ay ku raadineyso in xayiraadda hubka looga qaado Soomaaliya, si ay u hesho hubka loo baahan yahay si dalka looga xoreeyo kooxda Al-Shabaab.

