Friday, November 7, 2025
HomeWararGudahaLaba ka mid ah horjoogeyaasha Al-shabaab iyo ilaaladooda oo lagu dilay gobolka...

Laba ka mid ah horjoogeyaasha Al-shabaab iyo ilaaladooda oo lagu dilay gobolka Baay

Ciidamada xoogga dalka Soomaaliya, gaar ahaan Ururka 47-aad guutada 8-aad ee qeybta 60-aad ayaa deegaanka Deynuunaay iyo deegaano hoostaga ka fuliyey howlgal lagu dilay horjoogayaal ka tirsan Al-shabaab.

Howlgaladaan ayaa lagu dilay horjoogihii kooxda Al-shabaab u qaabilsanaa dhanka Maaliyadda ee gobolka Baay, kaasoo magaciisa lagu sheegay Abuu Khaalid (Yaxye), waxaana goobta lagula dilay ku xigeenkiisa oo aanan la shaacin magaciisa iyo maleeshiyaad kale oo ilaalo u ahaa.

Howlgalada ayaa si gaar ah ciidamadu uga fuliyeen tuulooyin ay ka mid yihiin Buul dooro, Kor Ing Roogi, Dhambalka iyo Buur Rooring oo ah dhamaantood tuulooyin hoostaga deegaanka Deynuunaay ee gobolka Baay.

Taliyaha guutada 8-aad ee qeybta 60-aad, Cali Maxamed Aadan (Cali Cadoow) ayaa warbaahinta Qaranka u sheegay in  howlgaladaan ay qeyb ka yihiin howlgalada ka dhanka ah maleeshiyaadka Al-shabaab ee ku sugan gobolka Baay.

Wuxuu sidoo kale tilmaamay Taliyaha in howlgaladaan ay qayb ka yihiin dadaalada dowladda Fedaraalka ku dooneyso in kooxda Al-shabaab kaga ciribtirto guud ahaan dalka, gaar ahaana deegaanada gobolka Baay.

QORAALADA LA XIRIIRA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Rukumo warbaahinteena

10,000FansLike
1,043FollowersFollow
4,043SubscribersSubscribe