Ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Kumaandooska Danab ayaa xalay saqdii dhexe fuliyay howlgal qorsheysan oo si gaar ah loogu beegsaday bar kontorool oo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Toratorow ee gobolka Shabeellaha Hoose.
War kasoo baxay Danab oo lagu qoray Boga ay Facebook ku leeyihiin ayaa lagu sheegay in Howlgalka oo ahaa mid si taxaddar leh loo qorsheeyay lagu guuleystay in lagu soo qabto dagaalamayaal ku sugnaa bartaas kontorool.
Ujeeddada howlgalka ayaa ahayd burburinta xarumo iyo goobo ay Al-Shabaab uga qaadaan canshuuro sharci-darro ah shacabka iyo gaadiidka isticmaala waddooyinka waaweyn, gaar ahaan jidka isku xira gobollada Shabeellaha Hoose iyo Baay sida ay Danab sheegtay.
Waxa ay intaasi ku dareen in Tallaabadan ay si toos ah u xoojinayso sugidda amniga, xorriyadda isu-socodka, iyo badqabka ganacsiga, taas oo muhiim u ah nolosha shacabka ku nool gobolladaasi.
Sida ku cad qoraalkooda, Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa mar kale adkeeyay go’aankooda ku aaddan sii wadidda howlgalada joogtada ah ee ka dhanka ah Al-Shabaab, si loo xaqiijiyo amni waara.

